Kaalmo helseorganisasjon   2009

 

 

 

Kaalmo i Calanka.com om TB dagen

publisert: 2013-04-13


Den Somaliske nettsiden calanka.com har skrevet en reportasje om Kaalmo og LHL internasjonal sitt arbeid på TB dagen.

Du kan lese reportasjon her:

http://calanka.com/?nid=11170

 

Ururka Kaalmo iyo hay`adda LHL International ayaa iska kaashaday wacyigelin lagu qabtay barxadda Gronland ee caasimadda dalka Norway taas oo ku saabsaneyd cudurka loo yaqaan Qaaxada ama TB-da.


 

24 bisha Mars waa maalinta tiibayda aduunka. Tiibaydu ama Qaaxadu wali waa cudur dhib kuhaya aduuna oodhan: qiyaastii. 9 milyan oo qof ayaa qaada xanuunka. 1,4 milyan oo qofna ayaa u dhinta Qaaxada ama Tiibayda sannad walba. Taasi waxay dhacdaa iyadoo lahayo doowoyinka cudarkan.

Norway waxaa qiyaastii lagahelaa cudurkan ilaa 350 qof sannad walba. Sanadihii ugu dambeeyey dad badan oo cudurkan looga daaweeyo Norway waxay u badnaayeen soomaali. Sababtoo ah waxaa jooga Norway dad badan oo ah soomaali iyo in Tiibaydu ama Qaaxadu ay soomaaliya aad ugu badan tahay.

LHL Internasjonal iyo Kaalmo Helse Organisasjon ayaa iska kaashaday wacyigalin lagu qabtay Grunland Torg maalinta Tiibayda ee aduunka. Muhiimahada wacyigalintu waxay ahayd in dadka la wargaliyo in Tiibayda ama Qaaxada la daawaynkaro, iyo in daawayntaasi ay lacag la´aan ka tahay wadanka Norway.
 
Dadka iskaga shakiya calaamadaha Tiibayda lagu garto waa inay la xiiraan dhakhtarkooda gaarka ah (fastlege), si looga baadho cudurka. Waxyaalaha lagu garto Tiibayda ama Qaaxada waa qofac 2-3 weeg ah ama in ka badan, qofkoo aad u dhidida habaynkii markuu hurdo, madax xanuun mudo dheer haya qofka, qofku in abateedku ka xumaado, miisaanka qofka oo hoos u dhaca. Barar ama nabar kuusan oo kasoo baxa cunaha, gacmaha hoostooda ama kilkilada, iyo qanjidhada. Calaamadahan waxay noqon karaan waxyaalaha lagu garto Tiibayda ama Qaaxada. Baadhitaanada Tiibayda ama Qaaxada oo dhan waa bilaash Norway.
 
Gudimagaleedka Oslo qeybta caafimaadka iyo arimaha bulshada, Anniken Hauglie, ayaa wacyi galintan soo booqtay. Hauglie ayaa waxay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in LHL Internasjonal iyo Kaalmo HelseOrganisasjon kawadashaqeeyeen inay sameeyaan wacyigalin lagu iftiiminayo cudurka Tiibayda ama Qaaxada. Waxay kula talinaysaa dadka inay ku feejignaadaan waxyaalaha lagu garto Tiibayda ama Qaaxada, iyo in la iskabaadho cudurkan hadii dadku isku arkaan waxyaabaha lagu garto Tiibayda ama Qaaxada. Waxay kaloo hoosta ka xariiqday in qaabka daawayntu ay aad u fiicantahay Norway, iyo in baadhitaanada oodhan iyo daawayntuba ay lacag la´aan tahay ama bilaash tahay.

 

Goobtii wacyigalinta waxaa laga qeybiyey waraaqo ay ku qoranyihiin macluumaad ku saabsan Tiibayda. kuwaas oo ku qornaa luuqada norwayjiga iyo toban luuqadood oo dadka ajinabiga ah ay ku hadlaan, waxaa lana qeybinayey goobtii wacyigalinta qaxwe ama cafe iyo malawax ama vafler.

Diom de Kossa, Solo Diarra og Amadou Diarra ayaa waxay garaacayeen durbaanoda Afrikada galbeed. Waxaana xuskan maalinta tb-da ka soo qeyb galay dad aad u badan, waxaana loo soo abaabulay si heersare ah.

 

----------------------------------------------------------------------------------

PÅ NORSK:

24. mars er Verdens Tuberkulosedag. Tuberkulose er fortsatt et stort helseproblem på verdensbasis: ca. 9 millioner mennesker blir syke, og 1,4 millioner dør hvert år, til tross for at det fins behandling for sykdommen.

 

I Norge er det rundt 350 tilfeller av tuberkulose hvert år. I de senere årene har en stor andel av tuberkulosepasientene i Norge vært personer fra Somalia. Grunnen til dette er at det er mange somaliere i Norge, og at det er mye tuberkulose i Somalia.

LHL Internasjonal og Kaalmo Helseorganisasjon samarbeidet om et arrangement på Grønlands Torg på Verdens tuberkulosedag. Hovedmålet med arrangementet var å spre informasjon om at tuberkulose kan behandles, og at behandlingen er gratis i Norge. Personer med symptomer på tuberkulose bør oppsøke fastlegen sin, evt. legevakten, for å bli undersøkt. Vanlige symptomer på tuberkulose er hoste i 2–3 uker eller mer, svette om natten, feber over litt tid, og at man mister matlyst og går ned i vekt. Hevelser eller kul på halsen, under armene eller i lysken kan også være symptomer på tuberkulose. Alle tuberkuloseundesøkelser er gratis i Norge.

 

Byråd for helse og sosiale tjenester, Anniken Hauglie, besøkte arrangementet. Hauglie sa hun satte pris på at LHL Internasjonal og Kaalmo samarbeidet om å lage et arrangement for å rette oppmerksomhet mot tuberkulose. Hun oppfordret folk til å være oppmerksomme på symptomer på tuberkulose, og å la seg undersøke hvis de hadde symptomer. Hun understreket at vi har et godt behandlingstilbud i Norge, og at alle undersøkelser og behandling er gratis.

 

Under arrangementet ble det delt ut informasjonsbrosjyrer om tuberkulose på norsk og ti minoritetsspråk, og det ble servert kaffe og vafler. Gruppen Afriki percussion hadde et innslag med vestafrikanske trommer. Mange mennesker møtte opp, og det var god stemning rundt arrangementet. 

BOOQO SIDOO KALE:

http://www.lhl.no/lhl-internasjonal/tb-somali/